Jaamacadda Carabta oo u ololeyneysa in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya



Jaamacadda Carabta ayaa sida la  sheegay ka codsan doonta Ururka Qaramada Midoobay in cunaqabataynta dhinaca hubka ee saaran dalka Soomaaliya oo xubin ka ah ururka laga qaado si loola dagaalamo Burcad badeeda Soomaalida, dowladda Soomaaliyana loogu fududeeyo inay awood u yeelato la dagaalanka burcad badeedda iyo sugidda ammaanka dalka guud ahaan.

 

Al Sayid Samiir Xusni oo ah u-qeybsanaha Arrimaha Afrika ee Jaamacadda Carabta ayaa u sheegay wargayska Misr Alyoom in jaamacadda carabtu codsi xambaarsan qaadista cunaqabeynta hubka Soomaaliya ay u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay marka ay ka qeyb galayaan gudi ka tirsan kooxda xariirka  caalamiga ee Soomaaliya Shir maalmaha soo socda ka dhaci doona magaalada København ee waddanka Danmark,  shirkaaso hordhac u noqon doona in go'aan mideysan laga gaaro arrimaha burcad badeedda soomaalida.

 

Waxaa uu intaa ku daray in tan iyo markii la sameeyay dowladda uu hogaamiyo sheikh Shariif ay so korartay baahida loo qabo in la qado cunaqabataynta Soomaaliya la saaray sanadkii 1991-dii kaasoo mamnuucaya in hub iyo saanad military Soomaaliya loo soo gudbiyo taasoo ay ku jirto xitaa dharka ciidamada Military-ga.

 

 

Waxaa uu tilmaamay in xalka kaliya ee xiligaani loo heli karo burcad badeeda Soomaalida ay tahay in la qaado cunaqabataynta hubka si dowladdu ay u hesho awooda ay u bahantahay ee ay kula dagaalamayso kooxaha burcad badeeda,waxaana uu intaasi ku soo daray Mr Samiir Xusni in jaamacadda carabta ay ka go’antahay  in taageero dhinaca Siyaasadda iyo Farsamo ay siiyaan dowladda uu hogaamiyo sheikh Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxaa uu sheegay in  Jaamacadda carabtu ay shakki weyn ka qabto Maraakiibta dagaalka ee ku sugan biyaha Soomaaliya iyo siyaasadda ka dambaysa,waxaana uu tilmamay in jaamacadda  carabta aysan marna u qorsheysneyn in maraakiib dagaal ay u soo diraan biyaha Soomaaliya maadaama dowlado waa weyn ay ku fashilmeen wax ka qabashada kooxaha burcad badeeda.

 

Add New Comment