Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in qodobka shareecada Islaamka dhowaan la horgeyn doono Barlamaank


Xukuumadda Midnimada Qaran  ayaa sheegtay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Baarlamaanka u horgeyn doonaan mooshinka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee ay horay u ansixiyeen,  waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii lagu eedeeyay Xukuumada inay ka caga jiideyso soo gudbinta ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran Cumar Cabdirashiid oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay ay horgeyn doonaan Baarlamaanka mooshinkii ku saabsanaa in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka.

prime1.jpg"Dowladdu dhowaan ayay Baarlamanka hor geyn doontaa qodobka ah ku dhaqanka shareecada Islaamka si ay meesha uga baxdo shareeco ma doonayaan" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Cumar.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku baaqay in laga hortago kooxaha weli  dhibaatada ku haya shacabka, isagoona sheegay in loo baahan yahay in kooxahaas hal meel looga soo wada jeesto.

Mar uu Ra'iisul Wasaaraha ka hadlay arrimaha Ciidamada Dowladda ee haatan labada dhinac ah, ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay tiro koobka Ciidamadaas, waxaana uu tibaaxay in dhowaan la isku dhafi doono.

Sidoo kale waxaa uu Ra'iisul Wasaaruhu sheegay in dhowaan Magaalada Muqdisho ay imaan doonaan Ciidamo cusub oo lagu soo tababaray dalka Uganda, waxaana uu xusay in Ciidamadaas ka qeyb qaadan doonaan howlaha ammaanka.

Xukuumada Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay u soo guurtay Caasimada Soomaaliya waxay bilowday inay dar dar geliso howlaha horyaala, iyadoo ku tallaabsaday inay gudi u saarto dekeda iyo Air Porka, gudigaas oo la socon doona dhaqaalaha ka soo xarooda labadaas hay'adood ee ay dowladdu leedahay.

Add New Comment