12-ka April maalinta Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madax ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Somaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Gaashandhigga Prof. Maxameded Cabdi (Gaandi), Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Maxamed Cabdi Yuusuf , Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed jaamac Jangali iyo Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan ayaa maanta ka qaybgalay  munaasabad loo sameeyey xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed taasoo ku beegnayd 12 April 1960-kii.
 
Xuska_Munasabad_12_ka_Abriil_4[1].jpg
Prfo Maxamed Cabdi Gaandi.JPG
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Saraakiisha qaybaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa si xoog leh uga soo qaybgalay  goobta uu ka dhacayey dabaaldegga xuska snadguurada 49-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka, waxaa sidoo kale halkaa dhoolatus gaadda-ka-ciyaar kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka iyo kuwa baanbeyda,  salaan sharafna halkaa ku siiyey wasiirradii ka qaybgalay xafladda iyo taliyeyaasha Ciidamada oo ay ka mid ahaayeen taliyaha Ciidanka Boliiska Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Saciid M. Xersi (S. Dheere), Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo saraakiil kale oo fara badan.
Xuska_Munasabad_12_ka_Abriil_1[1].jpg
taliye xigeenka ciidanka xooga dalka  somaliyeed  Saciid Maxamed Xersi Sacid  Dheere.JPG
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Taliyaha Ciidanka Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) oo  qudbad dheer halkaa ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay isla markaana kaga warbixiyey waxqabadkii iyo dhibaatoyinka ay soo mareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed tan iyo markii la aasaasay 1960-kii oo ku beegneyd maantaa oo ay bisha April tahay 12 ka.
Sidoo kale waxa halkaa asagana ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo sheegay in Golaha Wasiirada ee Dowladda Soomaaliya ay dhowaan isla meel dhigi doonaan miisaaniyad loogu talagalay in dib loogu soo dhiso ciidamada Xoogga Dalka, waxna loogu qabto ciidamadii ku naafoobay dagaalladii ay horey u soo galeen ciidanku.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa asagana halkaa kasoo jeediyey qudbad aad u dheer oo saameysay dhammaan madaxdii, saraakiishii iyo ciidamadii kasoo qaybgalay munaasabadda xuska sanadguurada 49-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadii maanta dabaaldagga samaynayey ayaa ka cabanayey teesaro iyo isteelo la'aan waxayna u badnaayeen ciidamadi hore oo gaboobay inkasta oo uu sheegay wasiirka amniga in laga gaboobo qalbiga ciidankaanune uu weli muraalkoodu sareeyo
.Xuska_Munasabad_12_ka_Abriil_0[1].jpg

Add New Comment