Markad saanad miletari u sida AMISOM oo ku xiran dekedda Muqdisho

Waxa saaka guud ahaan hakad ku jira howlihii dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayadoo sababtuna tahay inuu halkaa ku xiran yahay markab saanad milatary u sida ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dekedda ayaa waxa gebi ahaanba laga manuucay shaqaalihii dekedda in ay gudaha u galaan si ay gutaan howl-maalmeedkoodi caadiga ahaa, sidoo kale ayaa waxa xiran waddooyinka soo gala iyo tan hor marta dekedda weyn ee Muqdisho.

Dadka ku dhaqan nawaaxiga Dekedda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saaka markii uu waagu baryay ay ciidamada AMISOM isku fidiyeen inta u dhexeysa isgoyska Xamar jajab ilaa Suuqa Beerta iyagoo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ee Taangiyada, isla markaana ay diideen dadka iyo gaadiidka inay isticmaalana waddada hor marta Dekedda.

Wax war ah oo kasoo baxay maamulka dekedda Muqdisho oo ku saabsan xanibaadan ay saaka ciidamada AMISOM ku soo rogeen dekedda Muqdisho, sidoo kale ayeysan AMISOM dhankeeda wax war ah kasoo saarin sababta loo hakiyey howlaha dekedda, laakiin dadka degaanka ayaa sheegaya inay aad uga welwelsan yihiin in kooxaha diiddan joogitaanka ciidamada AMISOM ay weerar hoobiyeyaal ah ku soo qaadaan dekedda inta ay socoto howsha dejinta shixnadda uu sido markabku.


Add New Comment