Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in ay tayeynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya


Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso qorshayaal lagu tayeynayo oo dib loogu habeynayo Ciidamada Soomaaliya.

 
Prof. Gandi waxaa uu intaas ku daray in isaga iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay dalal ka tirsan caalamka socdaal ku soo mareen, isla markaana ay dalalkaas kala hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in tababarro loo helo Ciidamada Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay dalalkaas soo dhaweeyeen codsigooda.
 
“Muhiimadda ugu horreysa ee Dowladda Soomaaliya waa sidii loo sugi lahaa ammaanka isla markaana ay dadka ku dhaqan Soomaaliya ay nabadgelyo ugu seexan lahaayeen, uguna soo toosi lahaayeen”ayuu yiri Prof. Gaandi.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee haatan diyaarka ah ay u bilaabi doonaan mushaarooyin,  wuxuuna farta ku fiiqay in marka mushaarooyinka la siiyo kadib ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka Dalka guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kalena, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa wuxuu maanta la wareegay xilka Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo xilkaasna uu kala wareegay mas’uuliyiintii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.


Add New Comment