Markab laga leeyahay Mareykanka oo xalay ka badbaaday burcad badeed soomaali ah.


Sida uu sarkaal sare oo ka tirsan millatariga Mareykanka u sheegay wakaaladaha wararka ayaa waxa xalay fiidkii ay mar kale burcad badeedda soomaalidu weerar ku qaadeen markab ganacsi oo laga leeyahay waddanka Mareykanka, markabkaas oo lagu magacaabo Liberty Sun.

piratesB.jpgMarkabka Liberty Sun  oo siday raashin deeq ah kuna socday dekedda magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sida la sheegay ka badbaaday weerarka burcad badeedda oo watay doonyo yar yar oo dheereeya, halka shaqaalaha markabkuna ay si xirfadeysan uga badbaadiiyeen burcaddu inay gacanta ku dhigaan markabka.

Falkan ayaa yimid maalmo yar kaddib markii ay ciidamada Marines-ka Maraykanka xoog ku soo furteen Kabtankii markabkii Maersk Alabama, dileenna burcad badeeddii soomaalida ee afduubka ku heystay kabtanka.

Burcad badeedda Soomaalida oo si weyn uga xanuunsaday khasaaraha halkaas kasoo gaaray, ayaa ku hanjabay inay ka aar goosan doonaan Mareykanka iyo Faransiiska  haddii ay gacanta ku dhigaan shaqaale u dhashay dalalkaas.

Liberty Maritime Corporation oo ah shirkadda iska leh markabka ayaa warbaahinta u sheegtay in markabkooda lala helay rasaasta ka dhacda qoryaha loo yaqaan baasuukayaasha  waxyeellana ay gaartay, laakiin ugu dambeyntii ay ka badbaadeen kaddib markii  uu u soo gurmaday markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay laguna magacaabo USS Bainbridge oo ah isla markabkii fuliyey dagaalkii lagu soo furtay kabtan Philips.

Add New Comment