Burcad badeedda Soomaalida oo 4 markab qafaashay 23 saac gudahood

Burcad badeedda Soomaalida ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey ku qafaashay xeebaha dalka Soomaaliya, maraakiibtaas oo midkii ugu dambeeyey uu ahaa markab lagu magacaabo Irene oo laga leeyahay waddanka Griigga, arrintan ayaa timid maalmo yar kaddin uun, markii ciidamada Badda ee Mareykanka iyo Fransiisku ay laba weerar oo kala duwan ku dileen qaar ka mid ah burcad badeedda.

Saraakiil ka tirsan Gaashaanbuurta NATO ayaa sheegay ayagoo saaran markab dagaal oo laga leeyahay waddanka Griigga oo ku sugan biyaha gacanka Cadmeed in maraakiibta la afduubay midkood uu ahaa markab lagu magacaabo The Sea Horse oo qaada 5000 tan, sitana calanka waddanka Togo.

IreneB.jpgWaxa sidoo kale ka mid ah maraakiibta gacanta u gashay kooxaha burcad badeeda Soomaalidu markab lagu magacaabo Irene oo asagana laga leeyahay waddand Griigga, tirada shaqaalaha saaranna lagu qiyaasay inay gaareyso ilaa 40 qof.

Waxa ayaga ka mid ah maraakiibta la qafaashay 2 doomood oo kalluumeysi lagana leeyahay waddanka Masar, kuwaasoo ayagana ku sugnaa biyaha gacanka cadmeed markii la qafaalanayey ayna la socdeen shaqaale tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 20 ruux.

Waxa sidoo kale lagu soo warramayaa in  burcad badeedda Soomaalidu ay rasaas ku fureen markab kale oo asagana ka diiwaan gashan waddanka Liberia magaciisuna lagu sheegay SafmireAsia.



Add New Comment