Madaafiic farabadan oo galabta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha kadib dhowr madfac oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha oo uu ka dhoofayay sarkaal Maraykan ah.



Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa galabta  si toos ah loogu garaacay  Madaafiic ay soo ridayeen ciidamada AMISOM kadib markii weerar Madaafiic ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha xili uu ka duulayay sarkaal sare oo Maraykan ah.

 

Madaafiicdaani oo ku dhaceysay gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha ayaa  waxaa ay aheeyd Jawaab ay ciidamada AMISOM ka bixinayeen weerar lagu qaaday  garoonka diyaaradaha oo ay gacanta ku hayaan ciidamadaasi ,waxaana durbaba Suuqa laga dareemay anfariir iyo kala orod,iyadoo goobihii ganacsiga ay xirmeen.

 

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhalatay madaafiicda galabta lagu garaacay Suuqa Baraakaha iyo middii lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka ka agdhow hareeraha Suuq ayaa  waxaa ay bilaabeen in ay ka cararaan xaafahoda iyadoo wadooyinka laamiga ee Suuq Lagu arkayay Haween  gacmaha ku watta caruur aad u yar yar kuwaasi oo raadsanaya meelo ay kaga gabaadsadaan Madaafiicda sida arxan darada ah loogu garaacayo Suuqa Bakaaraha.

 

Sidoo kale madaafiic dhowr ah ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhacday Xaafadda K.p.p ee degmada Hodon  taasoo aan la ogeyn qasaaraha rasmi ahaan ay geeysteen.

 

Jawiga Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa uu u muuqda mid kacsan waxaana la xasuusanayaan xiliyadii ay dagaaladu sida xun ugu socdeen Magaalada Muqdisho markaasi oo uu suuqu ahaa meelaha ugu badan ee  ciidamada Shisheeye ay bartilmaameedsan jireen.

 


Add New Comment