Shaqaalihii Mareykanka ahaa ee saarnaa markabkii maanta lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta markabka

Shaqaalihii Mareykanka ahaa ee la socday markabkii laga lahaa waddanka Denmark ee maanta gelinkii hore ay koox burcad badeed Soomaaliyeed ku qafaasheen xeebaha koonfureed ee waddanka Soomaaliya ayaa dib u helay xorriyaddooda, lamana soo sheegin sida ay ugu suurtagashay inay ka xoroobaab burcad badeedda Soomaalida ah.

MærskB.jpgCapt. Joseph Murphy oo tababare ka ah Machadka Culuumta Badaha ee Massachusetts (Massachusetts Maritime Academy), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in laga soo wacay wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka loona sheegay in shaqaalihii markabka oo uu ku jiro wiil uu isagu dhalay oo ku xigeenka Captain-ka markabka ah ay dib ula wareegeen gacan ku heynta markabka.

Shir jaraa'id oo barqanimadii uu qabtay John Reinhart oo u hadlayey shirkadda markabka iska ley ee Maersk Line Ltd. ayaa sheegay in shirkaddu ay la xiriireyso reerihii shaqaalaha markabka.

Waxa kale oo uu sheegay qatarta ka jirta aaggaas awgeed inuusan xaqeejin karin in shaqaaluhu ay dib ula wareegeen gacan ku haynta markabka, halka sarkaal Mareykan ahna uu sheegay in shaqaaluhu la wareegen gaca ku heynta markabka, ayna gacanta ku dhigeen mid ka mid burcad badeeddii, intii kalena ay biyaha ku jireen markii ugu dambeysay.

Markabkan siday mucaawano deg-deg ah kuna sii jeeday dekedda magaalada Mombasa  ee dalka Kenya markii ay qafaalanayeen burcad badeedda Soomaalida, sidaana waxa yiri Peter Beck-Bang oo ku hadlayey magaca shirkadda Maraakiibta ee Moller Maersk oo xarunteedu tahay.

Waa markabkii 6aad ee muddo toddobaad gudihiis ah ay gacanta ku dhigaan burcad badeedda Soomaalidu, ayagoo markaan beddeshay xeeladda kana ugaarsanaya meelo ka fog halka ay maraakiibta dagaalka ee waddamada adduunka.

Add New Comment