Howlihii Dekedda weyn ee Muqdisho oo caadi ku soo noqday


Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dib u bilowday hawlaheedii kaddib markii ay shalay  hakad geliyeen ciidamada AMISOM, oo uu ugu soo xirtay markab u siday saanad milateri, waxaana xaalada dekedda tahay mid degan, kadib markii madaafiic lagu garaacay shalay.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegayaa inay isaga baxeen xaafadihii ay shalay soo galeen,  kaddib markii uu  soo xirtay markabku, waxaana saaka caadi ku soo noqday howlihii dekedda, waxaana la sheegay in markabka laga dajiyay dhamaan shixnadii uu waday.

Ciidamada AMISOM ayaa markii uu waabarigii shalay u soo xirtay Markabka waxay gebi ahaanka xanibeen dhaq dhaqaaqii dekedda ka socday, iyadoo dibeda u soo saaray shaqaalihii dekedda.

Dhinaca kale Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii shalay duqeyn madaafiic ah ay ka dhacen magaalada inteeda kale, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartay.

Add New Comment