Marineska oo xoog kusoo furtay Captain-kii Mareykanka


Ciidamada Badda Mareykanka ayaa xoog kusoo furtay captain-kii u dhashay Mareykanka ee ay afduubka ku heysteen kooxaha burcad-badeedka, waxaana howl gal ay u adeegsadeen soo furashadiisa ay ku dileen saddex ka mid ah Burcad badeedka.

Sida ay sheegeen Sirdoonka Mareykanka Captain Richard Philips ayey Marinesku soo bad baadiyeen isagoo bad qaba, waxaana la sheegay in Ciidamada Mareykanka ay dileen saddex burcad badeed ah, waxaana la sheegay in Captainka la gaarsiiyay markab kuwa dagaalka ah oo uu Mareykanka leeyahay kaasoo ku sugan meel u dhow Xeebaha Soomaaliya.

Howl galka lagu soo furtay Captainka oo 53-jir ah ayaa ka dambeeyay kadib markii ay bur bureen wada hadalo u socday Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo Odayaal Soomaali, kuwaasoo isku dayay in la sii daayo Captainkaas.

Afar Burcad badeed ahaa ayaa Captainka maalinimadii Khamiista kala degay Markab laga lahaa Denmarka oo ay saarnaayeen 21 shaqaale Mareykan ah, waxaana Kabtanka muddo shan cisho ay ku heysteen Doon kuwa bad baadada ah oo sabeyneysay Badda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah burcad badeedka la qabtay isagoo nool la gaarsiiyay Markab dagaal oo la yiraahdo USS Bainbridge.

Labo cisho ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Badda Faransiiska ay sidan oo kale xoog ku soo furteen Doon kuwa dalxiis oo ay saarnaayeen 5 ruux oo u dhashay Faransiiska, waxaana howl galka lagu soo furtay ku dhintay Nin faransiis ah iyo labo burcad badeed ah, halka saddex burcad badeedna la qabtay.

Add New Comment