Shabelle Media 4/24/2009 12:55:33 PM
Sheikh Xasan Daahir oo meel fagaare ah kala hadlayay dadka reer Muqdisho ayaa waxaa uu soo dhaweeyay go’aankii dhawaan ay gaareen Barlamanka KMG Soomaaliya isagoona tilmaamay in ay ku timid gacmaha mujaahidiinta
SilGor 4/24/2009 12:47:49 PM
Madaxa hay'adda Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta iyo gargaarka Mr. Louis Michel ayaa sheegay in shirkii deeqda loogu uruurinayey Soomaaliya lagu guuleystay oo waddamada deeqaha bixiyana ay Soomaaliya ugu yabooheen adduun dhan 250 million oo dollar
SilGor 4/23/2009 5:04:00 AM
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Ururka Dib-u-Xoreynta garabka Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys uu saaka ka soo degay garoonka No. 50 ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu kasoo kicitimay dalka Ereterea
SilGor 4/23/2009 4:46:49 AM
Shir caalami ah oo ay ka qayb galayaan in ka badan 30 dal, Qaramada Midoobay iyo Ururo kale oo caalami ah oo dhaqaale loogu aruurinayo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee wadanka Belgium
SilGor 4/22/2009 5:33:45 PM
War hordhac ah oo kasoo baxay Midowga Europe ayaa sheegaya in waddanka Soomaaliya ay ugu deeqi doonaan lacag dhan 60 milyan oo Euro ah una dhiganta adduun lagu qiyaasay 78 milyan oo dollarka Mareykanka
Shabelle Media 4/22/2009 12:43:25 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka soo hor jeestay faragalin shisheeye in lagu xaliyo dhibaatada ay burcad badeeddu ku heyso xeebaha Soomaaliya
Jowhar 4/22/2009 10:20:11 AM
Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay sameysteen Ciidamo madani ah oo ammaankooda suga
SilGor 4/22/2009 10:16:48 AM
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray sarkaal ka tirsan Ururka Alshabaab, kaasoo uu ku sheegay in go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka uu ahaa mid dhagar ah
Shabelle Media 4/20/2009 10:54:25 AM
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta gudaha magaalada Baladweyne waxaa uu ku dhex maray xoogaga muqaawamada ee halkaasi kuwada sugan
SilGor 4/20/2009 10:43:32 AM
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aysan marna ka laabanayn taageeradii ay horey ugu ballan qaadday inay isla garab taageyso dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
SilGor 4/19/2009 9:41:15 AM
Banaanbaxyo waaweyn ayaa maan waxa ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaas oo lagu muujinayey sida shacabka labadaas magaalo ay u taageersan yihiin go'aankii Barlamaanka ee ahaa in dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka
SilGor 4/19/2009 9:16:41 AM
Maraakiibta dagaalka ee NATO iyo dayaaradaha helikopterada ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayey ku qaadatay 7 saacadood baadigoobka burcad badeed Soomaaliyeed oo ku guul darreystay inay qafaashaan markab laga leeyahay waddan Norway oo lagu magacaabo MV Front Ardenne
SilGor 4/19/2009 8:19:20 AM
Waxaa halkan idinkugu soo gudbineynaa sawirro ka turjumaya sidii walaaltinimada lahayd ee Madaxweynaha iyo shacabka reer Turkiya dalkooda ugu soo dhoweeyeen walaalkood Sheekh Shariif Sheekh Axmed (Madaxweynaha Soomaaliya)







'
World News