SilGor 5/2/2009 5:19:40 AM
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay dib uga howl geleyso degaano ka tirsan gobolka Bay oo hoos taga maamulka xoogagga Al-Shabaab, halkaasoo ay shaqaalaha hay'addu isaga baxeen horraantii sanadkan
SilGor 5/1/2009 11:30:37 PM
Waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan uga direynaaa marwo Cudbi Cumar Abuukar oo ay hooyadeed marxuumad Safiya Sheekh Axmed Macallim ku geeeriyootay degaanka Ceelasha ee magaalada Muqdisho maalinnimadii Khamiista oo ay taariikhduna ahayd 30 Abriil, sidoo kalena waxaan tacsi taa la mid ah u direynaa dhammaan carruurteeda iyo guud ahaan eheladeedi, waxaan leennahay marxuumadda Allaah Jannadii Fardowsa haka waraabiyo eheladeedana sabar iyo iimaan haka siiyo AAMIIN
Shabelle Media 5/1/2009 1:18:35 PM
Qaar ka mid ah dadkaani oo manta la soo xariiray Idaacada Shabelle ayaa ka cabanaya ciidamada dowladda oo ay sheegeen in ay ka rareen meelihii ay ku ganacsan jireen in ka badan 10-sano oo ku yaala afaafka hore ee dekadda Magaalada Muqdisho
SilGor 4/30/2009 1:53:34 PM
Ayadoo gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ahmiyad weyn u leedahay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa beryahanba ka socday magaalada kulamo ay isugu imanayeen Madaxda sar-sare ee dowladda, guddiyada Amniga Qaranka iyo kan Gobolka Banaadir,
SilGor 4/29/2009 6:50:09 PM
Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa waxaa maanta lala eegtay gaari ay wateen ciidamada PIS-ta Ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo dhex marayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug
SilGor 4/28/2009 12:04:15 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo laabtay dalka ayagoona kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu safaro shaqo oo qaatay muddo labo toddobaad ah uu ku soo kala bixiyay dalal
SilGor 4/28/2009 10:23:54 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku marayo waddanka Suudaan ayaa magaalada Khartuum ka sheegay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan dalka
SilGor 4/28/2009 10:05:16 AM
Shaqaalihii Hay’adda DHAQAATIIRTA AAN XUDDUUDAHA LAHAYN (MSF) ee dhowaan lagu qafaashay gobolka Bakool ayaa gelinkii hore ee maanta dib u helay xoriyaddoodii kaddib markii laga sii daayay gacanta kooxo hubaysan oo dhawaan Afduubtay
SilGor 4/27/2009 10:27:50 AM
Ciidamada Badda dalka Yemen ayaa xoog ku furtay markab saliidda qaada oo dalkooda laga leeyahay oo ay muddo dhowr maalmood ah ku heysteen koox burcad badeed Soomaali ah gacanka Cadmeed, kaddib markii ay dagaal fool ka fool ah dhex maray iyaga iyo burcadda
HOL 4/27/2009 9:55:35 AM
Isniin, April 27, 2009: Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudaha Suuqaas ay ka bilowdeen dhismayaal sharci darro ah
SilGor 4/26/2009 1:14:30 PM
Ergayga Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Al-Sayid Samiir Xusni ahna madaxa Iskaashiga waddamada Carabta iyo Afrika oo u warramayey wakaaladaha wararka adduunka qaarkood ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu martigelin doonto shir ballaaran oo ay iska kaashan doonaan Bankiga Islaamka
HOL 4/26/2009 7:16:43 AM
Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dagaallada ka sii socda Magaalada Muqdisho ay u arkayaan kuwo lagu barakicinayo dadka Muqdisho ku nool, sidoo kalena looga soo horjeedo in ay guryahooda ku soo noqdaan dad badan oo horay uga barakacay
SilGor 4/26/2009 7:12:22 AM
Midowga Afrika ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray duqeyntii shalay loo geystay xaafado ku yaala degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis ee magaalada Muqdishoo, taasoo loo waday xarunta Barlamaanka (Gaadiidka Boliiska) oo uu ka socday shirkii Barlamaanka, kaddibna ay ku dhinteen







'
World News