Qarax sababay dhimasho oo ciidamo ka tirsanaa PIS-ta Puntland loogu geestay Gaalkacyo


Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa waxaa maanta lala eegtay gaari ay wateen ciidamada PIS-ta Ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo dhex marayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxaani oo ahaa miinada nuuca dhulka Lagu aaso ayaa lala beegsaday mid ka mid ah gawaarida dagaalka oo ay la socdeen Ciidamada hay’adda Sirdoonka Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan PIS-ta.

Qaraxa ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ilaa 3-qofood oo isugu jira ciidamada Maamulka Puntland iyo dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa,waxaana jira dhaawac intaasi ka badan oo ka dhashay qaraxaasi sida ay sheegayeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa waxaa uu marayay agagaarka Hotelka Alamagan ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay dadku ku badanyihiin kuwaasi oo ka kala cararay xiliga uu qaraxu dhacay.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxaa ay gacanta ku dhigee ilaa 5-ruux oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen qaraxaasi kuwaasi oo haatan ciidamada PIS-tu ay su’aalo ku weydiinayaan isla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ma’ahan markii ugu horeeysay oo weerar nuucaani oo kale ah lala eegto gawaarida dagaalka ee ay leeyihiin ciidamada PIS-ta Maamulka Puntland waxaana jira dhow mar oo weeraro qaraxyo watta lagu weeraray ciidamadaasi gudaha maamul goboleedka Puntland.


Add New Comment