Midowga Afrika oo cambaareeyey duqeyntii shalay ka dhacday Muqdisho


Midowga Afrika ayaa  cambaareyn dusha kaga tuuray duqeyntii shalay loo geystay xaafado ku yaala degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis ee magaalada Muqdishoo, taasoo loo waday xarunta Barlamaanka (Gaadiidka Boliiska) oo uu ka socday shirkii Barlamaanka, kaddibna ay ku dhinteen dad ay tiradoodu ku dhowdahay 10 ruux, kuna dhaawacmeen tiro dad ah oo intas ka sii badan oo dhammaantood ah dad rayid ah.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa u sheegay in ay cambaareynayaan kooxihii ka dambeeyay weerarkaas madaaficda ah, wuxuuna  intaa ku daray inay  wax laga  xumaado tahay in madaafiic lagu garaaco goobo ay dad rayid ah degan yihiin.|

bwakira.jpgWaxaa kale oo uu sheegay Nikolas Bwakira in weerarkaas hoobiyeyaasha lo loo adeegsaday uu dhacay iyadoo sida uu yiri ay socdaan dadaallo la doonayo in xal loogu helo mushkiladda ka taagan Soomaaliya, wuxuuna baaq u jeediyay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan sidii nabad la isku haleyn karo looga hirgelin lahaa Soomaaliya, loona joojin lahaa dagaallada noocan oo kale ah.

Waxa sidoo kalena uu Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Nicolas Bwakira ka hadlay weerar lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu wiiqayo howlaha nabad ilaalinta ah ee ay ciidamadooda Midowga Afrika ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Duqeyntan iyo weerarkanba ayaa waxay ku soo aadayaan xilli uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay Hoggaamiyaha Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya garabka Asmara Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadal u maalin ka hor jeediyeyna ugu baaqay ciidamada AMISOM inay dalka Soomaaliya isaga baxaan.

Add New Comment