UNHCR oo dib uga howl geleysa gobolka Bay, lana xaajooneysa Al Shabaab

 UNHCR-B.jpg

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay dib uga howl geleyso degaano ka tirsan gobolka Bay oo hoos taga maamulka xoogagga Al-Shabaab, halkaasoo ay shaqaalaha hay'addu isaga baxeen horraantii sanadkan.

 

Wakiilka hay'adda UNHCR ee Soomaaliya Guillermo Bettochi ayaa sheegay in xoogagga Al-Shabaab ay aqoonsanyihiin in dhibaato ba'an ay heysato dadka ku dhaqan gobolka Bay, sidaa darteedna ay rajeynayaan in UNHCR ay xafiis ka furan doonto magaalada Baydhabo maalmaha soo socda.

 

UNHCR ayaa sheegtay in ay jiraan dad gaaraya 3-milyan oo Soomaali ah una baahan in la gargaaro,  kuwaas oo u dhigma ku dhowaad kala bar tirada guud ee ay ka kooban yihiin dadka Soomaaliya ku nool.

 

Mr.Guillermo Bettochi waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanadaasi oo ay ka jiraan xaalado bini’aadanimo oo aad u liita oo ay wajahayaan dadka ku dhaqan gobolkaasi,iyagoo aan heli Karin buu yiri biyo ay cabaan iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, mana awoodaan Al Shabaab in ay dadkaasi Caawiyaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Mar uu ka hadlayay Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa u sheegay in ay yihiin kuwa kala qeybsan oo ku kala qeybsan hadii gar gaar loo fidinayo dadka iyo sidoo kale aanu ka howlgaleyn hay’adaha gar gaarka meelaha ay maamulaan.

 

Waxaa uu tilmaamay in lala hadlo Al Shabaab in aysan micnaheedu aheeyn in la aqoonsado sida uu yiri sharciyadda Maamulkooda balse waxaa uu tilmaamay in ay muhuum tahay in lala hadlo cidka kasta oo maamusha meel ka mid ah gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Hadalkaasi ka soo baxay sarakaalkaasi UNHCR u qaabilsan Soomaaliya ayaa imaanaya xili qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka jiraan Abaaro iyo cuduro Saameeyey dadbadan oo Soomaali ah inkastoo qeybo kale oo dalka ka mid ahna uu xiligaani ka curtay roobka Guga.


Add New Comment