Shaqaalihii MSF ee lagu afduubtay gobolka Bakool oo la sii daayey maanta


Shaqaalihii Hay’adda DHAQAATIIRTA AAN XUDDUUDAHA LAHAYN (MSF)  ee dhowaan lagu qafaashay gobolka Bakool ayaa gelinkii hore ee maanta dib u helay xoriyaddoodii kaddib markii laga sii daayay gacanta kooxo hubaysan oo dhawaan Afduubtay.

 

Sii deynta 2-da qof ee u shaqeynayey MSF Holland ayaa timid kaddib markii in ku dhow 10 maalmood ay u afduubnaayeen kooxo dabley ah, waxaana sida la sheegay ka dambeyey sii  deyntooda  odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta reer Bakool iyo saraakiil kale oo ka tirsan Maamulka Al Shabaab ee ka taliya gobollada Bay iyo Bakool.

 

Labadaas sarkaal ee u shaqeynayey Hay’adda MSF ayaa waxaa la sheegay inay isla maantaba soogaareen degmada Rabdhuure oo ay kulmeen  kulana  hadleen odayaasha dhaqanka, waxgarad, siyaasiyiin, dadweynaha iyo saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Odayaal iyo mas'uuliyiin u warramayey warbaahinta ayaa sheegay inaysan jirin wax madaxfurasho ah oo la siiyey kooxdii afduubayaasha ahaa, waloow ay markii hore lku xireen sii deynta saraakiishan MSF lacag madaxfurasho ah oo dhammeyd 4 million dollar.

 

MSF ayaa dhankeeda soo dhoweysay sii deynta shaqaalahooda, kuna bogaadiyey odayaasha iyo wax garadka gobolka dadaalkii ay u galeen sii deynta shaqaalahoodii lagu afduubtay gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya.


Add New Comment