Boqolaal qof oo ku ganacsan jiray afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda KMG in ay dib u dajiso

 

Qaar ka mid ah dadkaani oo manta la soo xariiray Idaacada Shabelle ayaa ka cabanaya ciidamada dowladda oo ay sheegeen in ay ka rareen meelihii ay ku ganacsan jireen in ka badan 10-sano oo ku yaala afaafka hore ee dekadda Magaalada Muqdisho.

 

Dadkaani oo u badan haween kor u dhafaya 400-boqol ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka ganacsadaan raashinka Bisil oo ay ka iibiyaan xogaysatada dekeda,waxaana ay ugu baaqeen dowladda KMG in ay dib u dajin u samayso islamarkaana wax ka qabato ciidamada ka raray goobihii ay ku maareyn jireen  nolasha caruurtooda.

 

Askarta dowladda oo la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ku howlanaayeen raridda dadka raashinka basil ku iibiya iridka hore ee dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaan jirin ilaa iyo hadda cid ka hadashay oo ka tirsan madaxda dowladda iyo sababta dhabta ah ee loo rararayo intaba.


Add New Comment