SilGor 5/14/2009 11:34:13 AM
Taliyihii ciidamada Military-ga dowladda Soomaaliya General Saciid Dheere ayaa maanta laga wareejiyey xilkii taliyenimo ee ciidanka dowladda, waxaana la magacaabay taliye cusub oo hoggaamin doona ciidamada
SilGor 5/14/2009 10:52:39 AM
Waxaa weli sii socda dagaalkii beryahan ka socday waddada wadnaha gaar ahaan isgoyska Siinaay iyo afarta Jardiino, kaasoo daba socda dagaallada muddada siddeedda maalmood ah ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya
SilGor 5/13/2009 4:19:20 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo manta si rasmi ah u saxiixay Go'aankii ku dhaqanka Shareedada Islaamka ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya
SilGor 5/12/2009 1:43:03 PM
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee muddada 5ta maalmood ah ka socday gudaha magaalada Muqdisho.
SilGor 5/12/2009 1:12:25 PM
Ururka Islaamka oo ka halay dagaalada ka socday magaalada Muqdisho 5-tii maalmood ee la soo dhaafay, kuna baaqay in si deg deg ah joojiyo dagaalada, dagaalladaas oo uu ururku ku tilmaamay kuwo dhibaato ku ah ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
SilGor 5/11/2009 9:32:20 AM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaallada maalintii shanaad ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdiho iyo kooxo ay dowladda la gashay, haddana heshiiskii isaga baxay
Jowhar 5/10/2009 8:46:06 AM
Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo dagaalada ay haatan yihiin kuwo ka yar sidii xalay iyo waabarigii saaka, waxaana aagaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo aan sidaa u buurneyn.
SilGor 5/9/2009 9:48:36 PM
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun Xubnaha U.I. SilGor waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad:Xaliimo Xirow Axmed oo 114 jirsatay ayaa dhawaan ku geeriyootay Magaalada Moqdishu Waxaana tacsida si gaar ah loogu dirayaa wiilkeeda Shiikh Xasan Gadaf iyo dhammaan reer Xirow Axmed Mooge
SilGor 5/9/2009 8:25:22 AM
Kaddib markii ay saakay magaalada Muqdisho ku waaberiisatay deganaasho ayaa waxa haatan dagaal hor leh uu ka qarxay inta u dhexeysa Isgooyska Fagax iyo saldhigga Yaaqshiid, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin hore uu dagaal ugu dhex maray degaankaasi
SilGor 5/8/2009 1:53:05 PM
Dagaal u dhexeeya xoogagga Maxkamadaha Islaamka garabka taageersan dowladda iyo ururka Al-Shabaab ayaa mar kale galabta ka qarxay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Muqdishu Stadium oo fariisin u ah xoogagga Midowga Maxkamadaha.
SilGor 5/8/2009 9:58:02 AM
Deganaan aan laysku halleyn karin ayaa maanta ka jirta magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobihii ay shalay dagaalladu ku dhex mareen xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ah ee taageersan dowladda Midnimada Qaran iyo dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab
SilGor 5/8/2009 9:15:53 AM
Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee waddanka Spain ayaa soo qabtay koox burcad badeed Soomaali ah xilli ay isku dayayeen inay qafaashaan markab ganacsi oo marayey meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya
Shabelle Media 5/7/2009 1:37:52 PM
Ururka Xisbul islaam Garabka uu hogaamiyo Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya in ay si deg deg ah dagaalada u joojiyaan xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya xoogaga Mujaahidiinta







'
World News