AXMED DIIRIYE CALI : “Dagaallada ka sii socda Muqdisho waxaan u aragnaa kuwo la doonayo in ay ku barakacaan Dadka Muqdisho ku haray, kuwii horay uga barakacayna aysan ku soo noqon”


Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dagaallada ka sii socda Magaalada Muqdisho ay u arkayaan kuwo lagu barakicinayo dadka Muqdisho ku nool, sidoo kalena looga soo horjeedo in ay guryahooda ku soo noqdaan dad badan oo horay uga barakacay.

Axmed Diirye waxaa uu sheegay in ay ka xun yihiin duqeyn shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen , sidoo kalena waxaa uu sheegay in ay ka xun yihiin dagaal shalay lagu qaaday fariisin ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

“Weerar lagu qaado Ciidamada Amisom waxaan u aragnaa inaan waxba looga qaadeynin, waayo waxay ku jiraan Ciidamadaan dhismayaal shub ah, hub ay isku difaacaanna waa ay heystaan”ayuu yiri Axmed Diirye Cali oo sheegay in madfacii lagu rido ciidamadaas iyo midkii aysoo ridaan ay labaduba dad rayid ah ku waxyeelloobaan.

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in ay xiriirro la sameeyeen qolaha dagaalladaas sheegta, wuxuuna sheegay in ay ka diideen in ay dagaalka joojiyaan, dhegahana ay ka fureysteen, “Waxaan leenahay haddii aad diin leedihiin oo aad dad Muslim ah tihiin dagaalka ka joojiya hambada ka soo hartay dagaalladii cuslaa ee dalka ka dhacay”ayuu yiri Axmed Diirye oo u waramayay Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan la yaaban nahay dagaalka Muqdisho kaliya loo soo xawilayo ee la leeyahay gaalo ayaa lagula dagaallamayaa, iyadoo aan ognahay in ay jiraan gobollo kale oo ay gaalo joogto”ayuu yiri Axmed Diirye Cali, Afhayeeka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.


Add New Comment