Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sheegay in ay Dhismayaal sharci darro ah ka bilowdeen gudaha Suuqaas


dheere.jpgIsniin, April 27, 2009:  Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudaha Suuqaas ay ka bilowdeen dhismayaal sharci darro ah.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ay jiraan Dad ganacsato ah oo doonaya in ay dib u dhistaan waddooyin gudaha Suuqa laga banneeyay, si loogu gurmado Suuqa haddii uu dab kaco, wuxuuna dhismayaashaas ku tilmaamay kuwo sharci darro ah.

Sidoo kalena, Cali Dheere waxaa uu sheegay in gudaha Suuqa uu ku soo badanayo qashin, wuxuuna taasi ku eedeeyay ganacsatada qaarkood oo bacaha, warqadaha iyo qashin kale ku daadiya gudaha Suuqa, “Waxaan sameynay guddi qashinkaas ka gura Suuqa, waxaana ku tabarucnay gaadiidkii qashinkaas qaadi lahaa”ayuu yiri Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere), Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Maamulkii Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu gudaha Suuqa Bakaaraha ka sameeyay Waddooyin waa weyn oo ay dadka iyo gaadiidka mari karaan, wuxuuna maamulka tallaabadaas qaaday kadib markii dhowr jeer oo qeybo ka mid ah Suuqa dab ka kacay lagu guuleysan waayay in la demiyo sabab la xiriirta iyadoo la waayay waddooyin loo maro.

Add New Comment