SilGor 5/7/2009 1:35:29 PM
Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka badbaaday isku day dil, kaddib markii ay kooxo hubeysan ku soo qaadeen weerar hubeysan, intaas kaddibna waxaa qaybo magaalada Muqdisho ka mid ah ka billowday israsaaseyn u dhexeysa xoogagga muqaawamada.
SilGor 5/6/2009 9:52:46 AM
Waxa Hotel Royaal Garden (Guuleed Hotel) ee magaalada Muqdisho ka socda shir xasaasi ah oo ay albaabadu u xiran yihiin oo ay isugu yimaadeen culimada diinta Islaamka Soomaaliyeed ee ku howlan musaalixada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda
Shabelle Media 5/5/2009 11:09:24 AM
Saraakiisha badda ee wadanka Maraykanka ayaa ka soo horjeestay qorshe maalmihii u dambeeyay la hadal hayay oo lagu hubaynayo shaqaalaha la socda Maraaiibta ganacsiga ee ku safra goobaha ay ku badanyihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
SilGor 5/5/2009 11:03:17 AM
Madaxweynaha dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa soo jeediyey in la sameeyo maxkamad caalami ah oo qaadda dacwooyinka ka dhanka ah dadka lagu soo qabqabto falalka burcad-badeednimada ka jirta xeebaha dalka Soomaaliya
SilGor 5/4/2009 6:16:58 PM
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta jawaab kulul ka bixisay hadal uu sii daayay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdu, hadalkaasi oo ahaa in Eritrea aanay aqoonsameyn inay wax dowlad ah ka jirto Soomaaliya, isla markaana ay kooxo isku hayaan
SilGor 5/4/2009 10:27:28 AM
Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Badda Kuuriyada Koonfureed ayaa u soo gurmaday kana badbaadiyey markab ganacsi oo laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi oo ay weerar ku soo qaadeen koox burcad badeed Soomaali ah
SilGor 5/4/2009 8:38:48 AM
Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in aysan Soomaaliya ka jirin dowlad ay aqoonsan tahay kaddib markii uu shalay ku eedeeyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan in Eritrea ay hub soo geliso dalka Soomaaliya
SilGor 5/3/2009 1:54:53 PM
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa dowladda Eritrea ku eedeysay inay ku xad gudubtay cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogtay Soomaaliya, soona galisay dalka Soomaaliya hub sharci darro ah, sidoo kalena sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi dooto arrintaasi.
SilGor 5/3/2009 10:04:09 AM
Wasiirka warfaafinta Dowladda KMG ayaa maanta sheegay in la kala diray Golaha saxaafada,waxaana war ka soo baxay golahaasi lagu sheegay in uusan wasiirku sharci ahaan awood u lahayn inuu kala diro Golaha Saxaafadda
SilGor 5/3/2009 9:45:17 AM
Wasiirka Maaliyadda waddanka Suudaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay qorshe ku aaddan sidii dalkiisu uu dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uga taageeri
Shabelle Media 5/2/2009 10:40:53 AM
Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya ayaa canbaareeyay Weerarkii dhawana lagu qaaday xarunta baalamaanka ee magaalada Muqdisho oo ay ku lahaayeen fadhiga,waxaana uu ka war bixiyay safar uu dalka dibadiisa ku kala bixiyay kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada
Jowhar 5/2/2009 5:44:25 AM
Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa soo dhoweeyay baaqii shalay ka soo yeeray Sheekh Xasan Dahir, ee ahaa in la joojiyo dilalka qorsheysa, waxaana uu hadalkaas ku tilmaamay mid farxadeed
SilGor 5/2/2009 5:34:47 AM
Roobab geystay qasaare lixaad leh ayaa muddo 24 saacadood ah ka da'ayey degaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe oo ay ku jirto magaalada xarunta gobolka ah ee Jowhar, kuwaasi oo baabi'yey guryo fara badan







'
World News