Boqortooyada Sacuudiga oo 18 million dollar ugu deeqday Soomaaliya


Ergayga Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Al-Sayid Samiir Xusni ahna madaxa Iskaashiga waddamada Carabta iyo Afrika oo u warramayey wakaaladaha wararka adduunka qaarkood ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu martigelin doonto shir ballaaran oo ay iska kaashan doonaan Bankiga Islaamka  iyo Ururka Isu-tagga Islaamka si ltaageero dhaqaale loogu raadiyo dib-u-dhiska waddanka Soomaaliya oo ay aafeeyeen dagaallo sukeeye oo socday in ka badan 18 sano.

Al-Sayid Saiir Xusni waxa kale oo uu sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ugu deeqday dalka Soomaaliya lacag dhan 18 milyan oo dollar, sidoo kalena ay jiraan dalal kale oo fara oo Carbeed sida Al-Jazaa'ir, Libya, Masar iyo Imaaraadka Carabta ay diyaar u yihiin inay deeq dhaqaale soo gaarsiiyaan dowladda Soomaaliya ee uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed hoggaaminayo.

Ergayga ayaa sidoo kale sheegay in Jaamacadda Carabtu ay xiriir la sameyn doonto Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Midowga Afrika si ay uga soo qayb galaan shirka looga hadli doono dib-u-dhiska dalka Soomaaliya oo ay Jaamcadda Carabtu qabanqaabinayso, kaasoo ka dhico Xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira bartamaha sanadkan aan ku jirno.



Add New Comment