Ciidamada Badda ee Yaman oo xoog ku furtay markab ay burcad badeed Soomaaliyeed ka heysteen


Ciidamada Badda dalka Yemen ayaa  xoog ku furtay markab saliidda qaada oo dalkooda laga leeyahay oo ay muddo dhowr maalmood ah ku heysteen koox burcad badeed Soomaali ah gacanka Cadmeed,  kaddib markii ay dagaal fool ka fool ah dhex maray iyaga iyo burcadda.

Wararka  ayaa sheegaya  in howlgalkii ay Ciidamada Badda Yaman ku furanayeen markabkaa ganacsi ee dalkooda laga leeyahay ay ku dileen labo ka mid ahaa  burcad badeedda, mid kalena ay ku dhaawaceen, halka 11-na ay nolol ku qabteen.

Markabkan oo markiisii hore ay burcad badeedda Soomaalidu ku qabsadeen dagaal ay la galeen ciidamada badda Yaman ayaa waxaa burcad badeedda kaga geeriyooday 2, midna waa lagaga dhaawacay, waxa sidoo kale khasaare soo gaaray ciidamada badda Yaman oo qaar lagaga dhaawacay dagaalkaas.

Markabkaan oo magaciisa lagu sheegay QANA ayaa waxay wararku sheegayaan in intii uusan gelin gacanta burcad badeedda Soomaalida uu isaga kala gooshayey dekedo ku yaal isla waddankaa Yaman, waxaana hadda la xaqiijiyey inuu bed qabo oo aanay wax dhibaato ah soo gaarin, haddana uu ku sugan yahay gacanta ciidamada badda ee waddanka Yaman.

Falalkan burcad badeednimada ah ee ka soo if baxay xeebaha Soomaaliya ayaa ah kuwo hadal hayntoodu ay beryahan dambe ku badatay warbaahinta adduunka, ayadoo sidoo kalena  indhaha caalamka u soo jeedisay dareenka caalamka dib-u-eegidda deganaansho la'aanta ka jirta waddanka Soomaaliya.



Add New Comment