Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka kusoo sama noqday


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo laabtay dalka ayagoona kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu safaro shaqo oo qaatay muddo labo toddobaad ah uu ku soo kala bixiyay dalal ka tirsan qaaradaha Yurub iyo Afrika.

Madaxweyne Shariif ayaa lugtii ugu dambeysay safarkiisa kusoo maray dalka Suudaan oo kula kulmay dhiggiisa waddankaasi Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Dalalka uu booqday Madaxweynuhu ayaa waxaa ka mid ahaa dalka Turkiga, Masar, Belgium oo uu kaga qayb galay kulan caalami ah oo Soomaaliya loogu uruurinayey deeq iyo waddanka Suudaan oo uu hadda kasoo kicitimay intii uusan soo gaarin magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo xasaasi ah lasoo yeeshay madaxda waddamada Turkiga, Masar iyo Suudaan, ayadoo dhammaan madaxda dalakaasina ay  u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin dadaalka uu madaxweynuhu ugu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya oo ay dagaallo sokeeye iyo deganaansho la'aan ka jirtay in ka badan 18 sano.

Ka hor intii aysan soo caga dhigan dayaaraddii sidday wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa dhammaan jidadka soo gala garoonka dayuuradaha sii xiray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ayagu aad u adkeeyey ammaanka.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa garoonka dayaaradaha kaga hortagay mas'uuliyiin isugu jiray labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana markii dambe loo soo galbiyey xarunta madaxtooyada ee (Villa Soomaaliya).


Add New Comment