Dowladda oo diyaarisay ciidamo suga ammaanka Muqdisho

Ayadoo gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ahmiyad weyn u leedahay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa beryahanba ka socday magaalada kulamo ay isugu imanayeen Madaxda sar-sare ee dowladda, guddiyada Amniga Qaranka iyo kan Gobolka Banaadir, kuwaasoo looga gol lahaa diyaarinta ciidamo ay dowladdu leedahay oo awood u leh sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka.

ciidanB.jpgDowladda ayaa sida lagu soo warramayo diyaarisay ciidamo isugu jira boliis iyo miletari oo tiradooduna lagu sheegay inay gaareyso 7 kun oo askari oo isugu jira ciidamadii Maxkamadaha iyo kuwii dowladda, kuwaasoo waqti dhow billaabi doona howgallo ay ku sugayaan ammaanka magaalada.

Ciidankan isku dhafka ah ee Dowladda ayaa sida la sheegay ay u dhan yihiin dhammaan qalabkii iyo gaadiidkii ay ku howlgeli lahaayeen, ayagoo weliba xiran doona dharka ciidanka oo isku mid ah, waxaana laga soo daabuli doonaa xeryo gaar ah oo ay tababarro ku soo qaateen.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamin doonta ciidanka ayaa ayaguna noqon doona kuwo isku dhaf ah oo ka kala yimid saraakiishii dowladda iyo kuwii Maxkamadaha Islaamka ee ka qayb galay halgankii Ethiopia lagaga xoreeyey waddanka.

Dowladda Midnimada Qaran ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan weli wax muuqda ka qaban dhinaca ammaanka, marka laga reebo inay baajisay madaafiicdii faraha badnayd ee sida micno darrada ah loogu xasuuqi jiray dadka rayidka ah ee reer Muqdisho.


Add New Comment