Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in ciidamada AMISOM ay dalka sii joogi doonaan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku marayo waddanka Suudaan ayaa magaalada Khartuum ka sheegay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan dalka.

Madaxweyne Sheekh shariif oo u warramayey televission laga leeyahay dalka Masar (Nilesat) ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxaan inta ka horreysa heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro dhibaatada Soomaaliya oo ay isaga soo horjeedaan kooxo ka wada tirsanaa Muqaawamad.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka dhawaajiyay in wadada kaliya ee xalka lagu heli karo ay tahay in dhibaatada dalka Soomaaliya marka hore Beesha Caalamka gacan ka geysato si buu yiri ay cagaheeda isugu istaago.

Waxaa uu sheegay in joogitaanka Ciidamada AMISOM aanay aheyn mid wax dhib ah ku heysa shacabka, isagoona soo qaatay howlaha gar gaar ee ay shacabka u qabanayaan sida cusbitaalada ay ku leeyihiin xarumahooda oo adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah loogu sameeyay dadka sida uu yiri.

Mar uu ka hadlayay mowqifka Maraykanka ee Dowladdiisa ayuu sheegay in mowqifka Washington uu yahay mid aad u wanaagsan oo danaynaya in xasilooni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya iyo in la dhamaystiro wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna intaasi ku daray in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay rajaynayaan in dhibaatada Soomaaliya ay waqtiyada ugu dhow ay soo gaba gaboobi doonto.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya xilli uu dhowaan Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hoggaamiyaha Isbaheysiga Dib-uXoreynta Soomaaliya garabka Asmara uu ku baaqay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga baxaan dalka.

Add New Comment