Suudaan oo Soomaaliya ka taageereysa dhinaca Maaliyadda


SomSud.jpgWasiirka Maaliyadda waddanka Suudaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay qorshe ku aaddan sidii dalkiisu uu dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uga taageeri lahayd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalka Suudaan uu khibrad weyn u leeyahay saameeynta ay dagaalladu ku yeeshaan dhaqaalaha iyo ka gudubka marxaladaha kala duwan ee is waafajinta cunaqabateynta iyo horumarka.

Wasiirka Maaliyadda Suudaan ayaa ballan qaaday in dowladda dalkiisu ay si weyn uga qayb qaadan doonto dib-u-dhiska waddanka Soomaaliya, gaar ahaan in dib u howlgelinta hay'adaha maaliyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan ay burburiyeen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray muddada ku dhow 20-ka sano.

Wasiirka Maaliyadda Suudaan ayaa hadalkan soo saaray kaddib markii uu magaalada Khartoum ee waddanka Suudaan ay ku kulmeen asaga iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo asagana dhinaciisa sheegay in ay Suudaan ka heleen ballanqaad taageero oo wax lagaga qabanayo hannaanka maaliyadda sida Bankigii Dhexe ee Soomaaliya oo dib loo howlgeliyo, daabicidda lacag cusub oo Shilin Soomaali ah iyo weliba xeeldheerayaal reer Suudaan ah oo tababari doona shaqaale Soomaaliyeed.

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ka wada tirsan ururrada Jaamacadda Carabta, Islaamka, Midowga Afrika, IGAD iyo ayagoo uu ka dhexeeyo xiriir dheer oo soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya.

Add New Comment