Dagaal u dhexeeya Maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab oo Muqdisho ka dhacay


Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka badbaaday isku day dil, kaddib markii ay kooxo hubeysan ku soo qaadeen weerar hubeysan, intaas kaddibna waxaa qaybo magaalada Muqdisho ka mid ah ka billowday israsaaseyn u dhexeysa xoogagga muqaawamada.

 

Sarkaalka maanta gelinkii hore lagu weeraray agagaaraha Isgoyska Black Sea ayaa magaciisa lagu soo gaabiyey Qoslaaye, waxaana weerarkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah ciidamada Al-Shabaab iyo mid mid kale oo uu dhaawac kasoo gaaray.


Intaas kaddib ayey  xoogagga Ururka Al-Shabaab isku soo fidiyeen qaybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana waqti yar kaddib billowday rasaas yar yar oo ay is weydaarsanayeen ciidamo kale oo ay leeyihiin Maxkamadaha Islaamiga kuwooda taageersan dowladda iyo Al-Shabaab, taasoo ka billaabatay agagaarka warshadda Sigaarka iyo Tarraqa, waxaana markii dambe dagaalka ka qayb qaatay gaadiidka dagaalka.

 

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma ogaan karo qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo aan joogsanin ilaa iyo hadda sii socda, waxaase hubanti ah in dad badan oo rajo ka lahaa inay si nabad ah ugu noolaadaa degaannadooda uu ku keenay qalbi jab iyo isu diyaarin barakac hor leh.



Add New Comment