Axmed Diiriye "Sheekh Xasan Dahir waa wadaad Muslim oo yaqaan Shareecada Islaamka, marka adeerayaal qaata baaqiisa ee joojiya dilalka xaaraanta ah"


Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa soo dhoweeyay baaqii shalay ka soo yeeray Sheekh Xasan Dahir, ee ahaa in la joojiyo dilalka qorsheysa, waxaana uu hadalkaas ku tilmaamay mid farxadeed.

Axmed Diiriye ayaa si aad ah u ammaanay Sheekh Xasan Dahir, isagoona ku tilmaamay wadaad Muslim caalim ah oo yaqaan Shareecada, waxaana uu hadalkiisa ku sheegay mid dhabaha u xaaraya nabad iyo nabadgelyo sida uu hadalka u dhigay.

"Sheekh Xasan Dahir waa Wadaad Muslim ah oo yaqaan Shareecada, marka adeerayaalo qaata baaqiisa oo joojiya dilalka xaaraanta ah"ayuu yiri Axmed Diiriye oo dhowaan sheegay in lix ruux uu isagu ku jiro la iclaamiyay in la dilo.

Waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay had iyo jeer diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan Kooxaha Muqaawamada ee kol hore isku safka ka ahaa la dagaalankii Ciidamadii Ethiopianka, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Madaxda kooxaha kale ay qaataan hadalka Sheekh Xasan Dahir.

"Aad baan anaga ugu riyaaqnay baaqa Sheekh Xasan Dahir, waa War Muslim xalaal ah kasoo yeeray ee hala qaato"ayuu mar kale ku celiyay Axmed Diiriye oo horay Alshabaab ugu eedeeyay inay diidan yihiin inay Miiska wada hadalka soo fariistaan wada hadalna ay qaataan.

Shalay ayay aheyd markii Sheekh Xasan Dahir Aweys uu qudbad uu ka jeediyay salaadii jimcaha Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dilalka qorsheysan, isagoona ku baaqay in qaladaadka qaar aan lagu sixin in dadka la dilo, waxaana uu tilmaamay in qofka munaafaqa uu leeyahay in la marqaatiyeeyo oo la ceebeeyo, mooyee aanu aheyn in la dilo sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Muqdisho ayaa si isku mid ah u diidan dilalka qorsheysan ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana muuqata in natiijo xun ay ka dhalatay dilalka aan diinta waafaqsanayn ee shacabka lagula kacayo.

Add New Comment