Eritrea oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Dowladda KMG Soomaaliya


Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in aysan Soomaaliya ka jirin dowlad ay aqoonsan tahay kaddib markii uu shalay ku eedeeyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan in Eritrea ay hub soo geliso dalka Soomaaliya.

 

ali abdu.jpgWasiirka warfaafinta Dowladda Eritrea Cali Cabdoow oo la weeydiiyey eedeynta maalintii shalay ay u soo jeedisay dowladda KMG Soomaaliya, kuna saabsanayd in Eritrea ay hub kasoo dajisay  garoomo ay gacanta ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ayaa ka gaabsaday inuu eedeyntaas wax jawaab ah ka bixiyo.
 
Wasiirka Warfaafinta Eritrea oo ay wareysi la yeelatay ayaa sidoo kale sheegay inuusan dalkiisu aqoonsnaeyn wax dowlad ah oo ka jira dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaana uusan wax jawaab ah siineyn shaqsi sheeganaya mas'uulyad dowladnimo.

 

Mar la weydiiyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea in ay taageerayaan kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda KMG ayaa waxaa uu sheegay in aysan taageersanayn koox ka mid ah kooxaha Soomaalida, balse  waxaa uu sheegay in ay taageersanyihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayna danaynayaan in Soomaaliya ay isku timaado si ay u dhameyso ismari waaga Siyaasadeed ee ka dhextaagnaa sanadihii ugu dambeeyay.

 

Hadalkaan ka soo yeeray wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea Cali Cabdoow  ayaa Eritrea ka dhigaya dowladdii ugu horreysay oo si bareer ah u caddeysa inaysan aqoonsaneyn dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Add New Comment