Markab dagaal oo laga leeyahay Koonfurta Kuuriya oo badbaadiyey markab ganacsi oo ay leedahay Waqooyiga Kuuriya

war shipB.jpgMarkab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Badda Kuuriyada Koonfureed ayaa u soo gurmaday kana badbaadiyey markab ganacsi oo laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi oo ay weerar ku soo qaadeen koox burcad badeed Soomaali ah oo rabay in ka qafaashaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Badda Koonfurta Kuuriya ayaa waxa soo gaartay qaylo dhaan uga timid markab ganacsi oo laga lahaa waddanka Waqooyiga Kuuriya oo ay soo weerareen koox burcad badeed Soomaali ah, markaasoo ay u direen dayaarad dagaal (helikopter) ah kana duushay markabka dushiisa, taasoo ku guuleysatay inay ka reebto burcad badeeddii baacsaneysay markabka ganacsi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Badda ee waddanka Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay in dowladda dalkiisu ay heshay farriin mahad celin ah oo uga timid dalka Waqooyiga Kuuriya, taasoo ay kaga mahadcelinayeen sida ciidamada Badda ee Koonfurta Kuuriya ay u badbaadiyeen markabka laga lahaa dalkooda.



Add New Comment