Dowladda KMG Soomaaliya oo dowladda Eritrea ku eedeysay inay si sharci darro ah hub kusoo gelisay gudaha Soomaaliya


Dowlada KMG Soomaaliya ayaa dowladda Eritrea ku eedeysay inay ku xad gudubtay cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobey ku soo rogtay Soomaaliya, soona galisay dalka Soomaaliya hub sharci darro ah, sidoo kalena sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi dooto arrintaasi.

 

Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda KMG Soomaaliya Col Cumar Xaashi Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa dowalada Eritrea ku eedeeyay in maalmihii Talaada iyo Jimcaha ee aynu ka soo gudubnay dalka ay soo galisay Hub lagana soo dejiyay garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

Col. Cumar Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in garoomada dalka qaarkood ay ku soo dejgaan diyaarado sida hub iyo saanad military, waxaa kale oo uu sheegay in Eritrea ay iska diidday in ay hub siiso xoogaggii muqaawamada ee ka dagaalamayay gudaha dalka markii ciidamada Ethiopia ay joogeen.

 

Wasiirka cidna si gaar ah uguma eedeynin in uu hubkaasi u socdo, wuxuuse sheegay oo uu ku cagajugleeyey in dowladdu tallaabo cad arrintaasi ka qaadi doonto, asagoona caalamka ka codsaday in wax laga qabto dowladda Eritrea xad gudubka ay ku sameynayso degenaashaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka Dowlada KMG Soomaaliya Col Cumar Xaashi Aadan  waxaa uu sheegay in dowalada Eritrea aysan rabin in dalka Soomaaliya uu yeesho dowalada isla markaan aysan aqoonsaneeyn jiritaanka dowlada kmg Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay mid dan u ah umadda Soomaaliyeed.

 

Ma jirto illaa iyo hada cid xaqiijisay jiritaanka Hubkani uu sheegay Wasiirka amniga qaranka dowlada kmg Soomaaliya in laga soo dejiyay garoonka Bali Doogle ee gobolka Shabeellada Hoose.


Add New Comment