Hay'adda Culimaa'uddiinka Soomaaliyeed oo ku kulansan Hotel Royal Garden ee magaalada Muqdisho


Waxa Hotel Royaal Garden (Guuleed Hotel) ee magaalada Muqdisho ka socda shir xasaasi ah oo ay albaabadu u xiran yihiin oo ay isugu yimaadeen culimada diinta Islaamka Soomaaliyeed ee ku howlan musaalixada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Ammaanka madasha uu shirku ka socdo ayaa aad loo adkeeyay, waxayna wararka qaar  sheegayaan in kulanka ay ka soo qeyb galayaan qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Muqaawamada, si xal looga gaaro kala duwanaashaha u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta qaarkood iyo Dowladda Midnimada Qaran ee Soomkaaliya.

Kulankan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah oo ay isugu yimaadaan Culumaa'udiinka  Soomaaliyeed ee ka dhaca magaalada Muqdisho, ayadoo kulankii kan ka horreeyeyna ay culimadu kasoo saareen go'aamo qaarkood ay dhaqan gelisay dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, qaar kalena ay weli dhiman yihiin.

Sidoo kale Culimada Soomaaliyeed ayaa waxay warbixin ka dhageysan doonaan guddi ugu qeybsan arrimaha Musaalaxada, kaasoo ilaa iyo iminka aan laga gaarin wax horu mar ah, marka loo eego dhex dhexaadintii laga dhex waday dhinacyada Muqaawamada oo aan ilaa iyo hada jirin dhinacyo la isku soo hor fariisiyay.

Wararkii ugu dambeeyay oo aanu ka heleyno shirkaas ayaa sheegaya in Culimada ay ku lafa gurayaan waxyaabihii ka hirgalay qodobbadii ay soo saareen oo ay ugu weyneyd in muddo afar bilood ay dalka uga baxaan Ciidamada AMISOM, kaasoo aan waqtigiisa wali la gaarin.

Add New Comment