Madaxweynaha Ruushka oo soo jeediyey in la sameeyo Maxkamad Caalami ah oo wax ka qabata dembiyada lagu soo qabto burcad badeedda Soomaalida


medvedevS.jpgMadaxweynaha dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa soo jeediyey in la sameeyo maxkamad caalami ah oo qaadda dacwooyinka ka dhanka ah dadka lagu soo qabqabto falalka burcad-badeednimada ka jirta xeebaha dalka Soomaaliya.


Wakaaladda Wararka Ruushka (INTER FAX) oo soo xiganeysay xafiiska madaxweynaha Ruushka ayaa sheegtay in madaxweyne Medvedev uu soo jeediyey in la sameeyo maxkamad caalami ah oo wax ka qabata arrimaha ku saabsan burcad badeedda.

 

Madaxweyne Medvedev ayaa u xil saaray xer ilaaliyaha guud ee wadanka Ruushka  ninka lagu magacaabo Yury Chaika in uu kala shaqeeyo saaxiibadiisa kale ee xeer ilaaliyeyaasha waddamada kale ee caalamka, sidii loo suurtagelin lahaa in lahelo qaab lagu maxkamadeyn karo burcad badeedda Soomaalida.

 

Ruushka ayaa xeebaha Soomaaliya waxa ka jooga markab dagaal oo qayb ka ah dadaalka caalamiga ah ee la doonayo in lagu ciribtiro burcad badeedda Soomaalida ee qalqalka gelisay mid ka mid ah marinnada badeed ee adduunka ugu mashquulka badan, kaaso ah Khaliijka Cadan oo ay maraan maraakiibta shidaalka adduunka intooda ugu badan iyo kuwo ganacsiba.


Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya 29 burcad badeed soomaali ah, kaddib markii uu dhowaan soo qabtay markab dagaal oo Ruushka laga leeyahay xilli ay ugaarsanayeen maraakiib ganacsi si ay u soo qafaashaan, kuwaasoo laga yaabo in dhowaan maxkamad lagu soo taago dalka Ruushka.

 

Add New Comment