Wasiirka warfaafinta oo maanta sheegay in la kala diray Golaha Saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed


Wasiirka warfaafinta Dowladda KMG ayaa maanta sheegay in la kala diray Golaha saxaafada,waxaana war ka soo baxay golahaasi lagu sheegay in uusan wasiirku sharci ahaan awood u lahayn inuu kala diro Golaha Saxaafadda.

 

Wasiirka warfaafinta Dowlada KMG ee Soomaaliya mudane Farxaan Cali Maxamuud oo maanta ka qeyb galayay munaasibad lagu xusayay maalinta 3-da may oo ah maalinta Saaxaafada Xurta ah ee Caalamka ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradiisu ay kala dirtay Golaha Saxaafada Qaranka.

 

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in kala diridda Golaha Saxaafadda Qaranka ay sabab u tahay ayaga oo aan la socon karin saxaafadda casriga ah ee xilligaan, sidaas darteedna la dhiso doono Gole Saxaafadeed oo madaxbannaan oo uu Qaranka Soomaaliyeed yeesho.

 

Shariif Macalin Maxamed oo ah Xoghayaha Golaha Saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed oo bahda warbaahinta shir jaraa’id u qabtay kadib munaasibada ayaa waxaa uu sheegay in wasiirka uusan kala diri Karin golahooda oo ay yihiin gole ka madax banaan dowlada kmg Soomaaliya.

 

Add New Comment