Dowlada Mareykanka oo ka soo hor jeesatay in Hub ay qaataan Maraakibta Ganasi ee Maraya xeebaha Soomaaliya.


Saraakiisha badda ee wadanka Maraykanka ayaa ka soo horjeestay qorshe maalmihii u dambeeyay la hadal hayay oo lagu hubaynayo shaqaalaha la socda Maraaiibta ganacsiga ee ku safra goobaha ay ku badanyihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

 

Saraakiishu waxaa ay sheegeen in arinta ay ka weyn tahay in maraakiibta iyo shaqaalaha saaran ay hub qaataan balse loo baahan  yahay in si ka weyn loola dagaalamo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah iyadoo lagala dagaalamayo dhulka iyo Badda.

 

Admiral.jpgAdmiral Gary Roughead oo ka mid ah taliyayaasha ciidamada badda wadanka mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in kooxaha burcad badeeda aysan ku nooleyn Badda,waxana uu tilmaamay in ay ku nool yihiin bariga loona baahan yaha in laga xanibo agabka iyo waxyaabaha kale ee ay ku nool yihiin.

 

Waxaa uu sheegay sarkaalkaasi in goobta ay kooxaha burcad howlaha qafaalashada ay ka wadaan ay 4-mar ka weyn tahay gobolka Texas ee wadanka Mareykanka isla markaana uusan ka jirin sharci ka hor taga kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

 

Illaa iyo markii kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ay afduubeen Captan u dhashay wadanka mareeykanka ayaa sharci yaqaano u dhashay Mareykanka waxaa ay soo jeediyeen in ciidamada badda Mareykanka ay raacaan maraakiibta ganacsiga tilaabadaasi oo ah mid ay ka soo hor jeesatay wasaarada Gaashaandhiga wadnka Mareykanka ee Pentagon.

 

Saraakiisha Mareeykanka ayaa waxaa ay soo jeediyeen in la bilaabo howlgalo hor leh oo lagu ciqaabayo,lagu burburinayo laguna hakinayo hantidooda kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.

 

Michael Mullen oo ka mid ah taliyayaasha ciidamada Mareykanka ayaa warfidiyeenka u sheegay in uusan taageyrsaneeyn in maraakiibta Ganasiga ay hub qaataan taasi oo uu tilmaamay in maraakiibta ay haboon taha in ay kireystaan Ciidamo ammaan oo gaar ah.

 

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in maraakiibta isticmaala xeebaha Soomaaliya weerarada lagu hayo ay yihiin kuwa aad u badan,waxaana uu soo jeediyay in si weyn loola dagaalamo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah lagana sii daayo maraakiibta ay hada gacanta ku hayaan.

 

Ugu danbeeyntii waxaa uu sarkaalkaasi sheegay in dhibaatada kooxaha burcad badeeda ay tahay mid ka weeyn sida la moodo dhibaatadana ay ka jirto Soomaaliya oo dhan,waxaana uu beesha caalamka u soo jeediyay in xaalada Soomaaliya wax laga qabto.


Add New Comment