Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya oo canbaareeyay Weerarkii dhawana lagu qaaday xarunta baalamaanka


Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya ayaa canbaareeyay Weerarkii dhawana lagu qaaday xarunta baalamaanka ee magaalada Muqdisho oo ay ku lahaayeen fadhiga,waxaana uu ka war bixiyay safar uu dalka dibadiisa ku kala bixiyay kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada.

 

Kadib shirjaraa’id oo uu maanta xarunta madaxtooyada ku qabtay madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya sheikh Shariif sheikh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay weerarkii madaafiicada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarunta kmg ee baarlamaanka ,waxaana uu tacis u diray ehelada dadkii ku geriyooday iyo kuwa dhawacyada ay ka soo gaareen wararkaasi isagoao ku tilmaamay in ay  ka danbeeyeen dad damiir laawayaal ah,waxaana uu ugu baaqay in ay joojiyaan ficiladaasi xun xun sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isagoo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay Shiikh Xassan Daahir Aweys oo dhawaan dalka ku soo laabtay ayaa waxaa uu sheegay in Shiikh Xasan uu yahay muwadin Soomaaliyeed oo la soo halgalamay waxa kaliya ee ay ku kala tageena ay tahay aragti siyaasadeed,isla markaana ay diyaar u yihiin in ay kala hadlaan aragtidiisa,waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka Sudan uu sheikh Xasan Mudo joogay marka uu soo marayayna ay dowlada Sudan kala hadaleen arimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay safarada uu dhawaan ku soo maray wadamada Turkiga,Sudan,Masar iyo Belgium kuwaasi oo uu sheegay in dhamaantooda ay isku afgarteen  in ay xiriir wanaangsan la sameeyaan dowlada kmg Soomaaliya isla markaana ay taageeraan.

 

Ugu danbeeyntii Shiikh Shariif ayaa waxaa uu soo dhaweeyay go’aankii mudanayasha baarlamaanka ay dhawaan Ansixiyeen ee ahaa ku dhaqanka Shareecada islaamka iyo sidoo kale mooshinkii Miisaaniyada dowlada,waxaana uu carabka ku dhiftay in maanta uu kulan la qaatay golaha wasiirada dowlada kmg Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlay waxyaabihii u qabsoomay inta ay dalka ku sugnaayeen.


Add New Comment