Dowladda Soomaaliya oo wax lagu qoslo ku sheegtay hadalkii dowladda Eritrea


jangeliB.jpgDowladda Soomaaliya ayaa maanta jawaab kulul ka bixisay hadal uu sii daayay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdu, hadalkaasi oo ahaa in Eritrea aanay aqoonsameyn inay wax dowlad ah ka jirto Soomaaliya, isla markaana ay kooxo isku hayaan.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalkii uu sii daayay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdu, wuxuuna sheegay in aaney Soomaaliya uga baahneyn Eritrea in ay aqoonsi siiso.

“Dowladda Soomaaliyeed Caalamka ayaa aqoonsan oo ay waxay ka mid tahay Ururrada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabka, Ururka Islaamka, Eritrea-na uga baahna aqoonsi”ayuu yiri Cali Axmed Jaamac Jengeli oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka wanaagsan tahay,kana taageero badan tahay Dowladda Eritrea oo sida uu yiri go’doon ku jirta.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli waxaa uu sheegay in ay Eritrea ugu baaqayaan in ay Soomaaliya ka deyso faragelinta ay ku heyso, “Waxaan leenahay Eritrea, haddii aadan Soomaaliya u gudi karin abaalkii ay kuu gashay, faragelinta iyo dhibaatada aad ku heyso ka daa”ayuu mar kale yiri Cali Axmed Jaamac Jengeli oo sheegay in Alle idinkiis ay shaqeyn doonto Dowladda Soomaaliya.

Hadalka uu sii daayay Wasiirkan u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan uu sheegay in ay Dowladda Eritrea geysay Soomaaliya diyaarado hub wada, iyadoo warkaasina uu ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdo oo sheegay in aaney jirin Dowladda Soomaaliya ka jirta oo eedeyn u jeedin karta.


Add New Comment