Roobab xoog leh oo ka da'ay degaanno ka tirsan gobolka Sh. Dhexe


Roobab geystay qasaare lixaad leh ayaa muddo 24 saacadood ah ka da'ayey degaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe oo ay ku jirto magaalada xarunta gobolka ah ee Jowhar, kuwaasi oo baabi'yey guryo fara badan oo ku yaalla xaafadaha Hanti-wadaag iyo Horseed.

 

Guryaha burburay ayaa lagu soo warramayaa inay intooda badan u baaba'een sababo la xiriira dabaylo aad u xoog badnaa oo ay roobabku wateen, socdayna intii ay roobabku socdeen.

 

Sidoo kale qoysas badan ayaa bilaabay in ay ka barakacaan kuwaasi oo deganaa aqalada ay roobabka baabi'iyeen sida uu warbaahinta u sheegay nin ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdullaahi.

 

Aqalada ay roobabka Baabiyeen ayaa waxaa ay ka sameysnaayeen Carshaan kuwaasi oo ahaa kuwo waa hore la dhisay oo aan u gagsan Karin dabeylaha.

 

Sidoo kale deegaano badan oo horay ay uga jireen biyo la’aan iyo Abaaro ayaa waxaa ka da’ay roobabka taasi oo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.


Add New Comment