Xaaladda Muqdisho oo maanta deggan, kaddib dagaal culus oo shalay ka dhacay


Mogashu11B.jpgDeganaan aan laysku halleyn karin ayaa maanta ka jirta magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobihii ay shalay dagaalladu ku dhex mareen xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ah ee taageersan dowladda Midnimada Qaran iyo dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab.

Waxaa caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka inkastoo ay jirto cabsi fara badan oo laga qabo in dagaalladu ay mar kale qarxaan, maadaama ay weli is hor fadhiyaan xoogaggii muqaawamada ee uu shalay dagaalku dhex maray.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxa la soo dersay qalbi jab iyo cabsi dagaalladan kaddib, ayagoo marnaba maleysan waayey in xoogagga Islaamiyiintu ay ka suutowdo inay sidii shalay oo kale dushooda ugu dagaalamaan oo ay madaafiic isku weydaarsadaan.

Weli waxa soo baxaya baaqyo nabadeed oo fara badan oo ka kala imaanaya qaybaha bulshada, kusoo loogu baaqayo dhinacyada ay dirirtu u dhexeeyso in ay dagaalka joojiyaan, khilaafaadka dhexdooda ahna ay wadahadal ku xalliyaan.


Add New Comment