Madaxweyne sh.shariif ayaa Shir jaraaid uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaliya ku Ansxiyay Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Dowladda Midnimada qaran ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo manta si rasmi ah u saxiixay Go'aankii ku dhaqanka Shareedada Islaamka ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu u soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa shirkaasi kala qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo xubno kale , waxa uu wariyayaasha gaarsiiyay qodobo afar ah oo la xiriira hirgelinta shareecada Islaamka.qodobadaasi waxaa ka mid ah in dib u habeen lagu sameeyo Sharuucda ama qawaaniinta dalka si looga saaro wixii ka hor imaanya shareecada islaamka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qodobadan fulinteeda iyo soo habeynteedaba ay u xilsaaran tahay Xukuumada Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid si sharci ahna dalka looga  hirgelin doono ku dhaqanka shareexada Diinta Islaamaka.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu  ka hadlay dagaalada wali ka sii socda magaalada Muqdisho, wuxuuna  dagaaladaas ku tilmaamay in aanu aheyn aragti diimeed islamarkaasina waxa uu weydiistay mucaaradka dowladda in ay wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka soo kala dhexgalay oo ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah laga daayo dilka iyo barakicinta, iasagoo sii wata warkiisa Madaxweyne Sh.Shariif waxa uu yiri waxaa muuqata in aan loo hogaansamin amarada Illaahay waayo ma baana in dhiig Qof Islaam aha lagu daadiyo Si micno darro ah, hadii qilaafo yimaado waxaa haboon in lagu laabto Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabigeena Muxamed SCW .
shirkii sh.shariif2.jpg

Add New Comment