Dagaal cusub oo ka qarxay Isgooyska Fagax ee magaalada Muqdisho


Kaddib markii ay saakay magaalada Muqdisho ku waaberiisatay deganaasho ayaa waxa haatan dagaal hor leh uu ka qarxay inta u dhexeysa Isgooyska Fagax iyo saldhigga Yaaqshiid, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin hore uu dagaal ugu dhex maray degaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii Midowga Maxkamadaha iyo Al-Shabaab ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku dagaalamayey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho aysan wax lug ah ku lahayn dagaalkan hadda ka socda Isgooyska Fagax.

Lama oga qasaaraha uu ilaa iyo hadda  dagaalkaasi geystay, waxaase la sheegayaa in laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, welina uu dagaalku socdo oo qaybaha waqooyi ee magaalada oo dhan laga maqli karo hugunka rasaasta laysku weydaarsanayo halkaas.

Wixii warar ah ee dagaalkaa kasoo kordha iyo guud ahaan xaaladda magaalada Muqdisho kala socda shabakadda wararka ee SilGor.com.

Add New Comment