Madaxweyne Shariif oo markii ugu horreysay maanta ka hadlay dagaallada Muqdisho


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaallada maalintii shanaad ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdiho iyo kooxo ay dowladda la gashay, haddana heshiiskii isaga baxay.

newshrfB.jpgMadaxweyne Sheekh Shariif oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu is difaaci doonto kaddib muddo dheer oo ay soo duqaadanaysay, isku day kasta oo dib-u-heshiisiin ahna uu burburay.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in intii ay dowladda Soomaaliyeed dulqaadaneysay, raadineysayna in la wada hadlo ay weerarro ku hayeen dad xirfad ka dhigtay dagaallada, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin dad aan nabad iyo dowladnimo toona doonayn.

"Dad dagaal xirfad ka dhigtay oo aan nabad iyo dowladnimo rabin oo aan shacab ka fekereynin ayaa ka dambeeya dagaallada Muqdisho ka dhacaya" ayuu yiri madaxweynaha oo markii u horreysay maanta ka hadlay dagaallada Muqdisho.

Waxa sidoo kale uu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif "Mar haddii ciidamadii Ethiopia dalka ka baxeen, dadkuna dib-u-heshiisiinta doorteen, dowladdii Soomaaliyeedna go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka, ma garanayo sababta dagaal loo abuurayo".

Waxa sidoo kale oo uu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo qaatay inuu jiray heshiis hordhac ah oo ay dowladdu la gashay qaar ka mid ah kooxaha kasoo horjeeda oo ayagu markii dambe isaga baxay heshiiskaas.

Madaxweyne Sheekh Shaiif ayaa ugu dambeyntii baaq u jeediyey kooxaha dagaalka kala soo horjeeda oo uu ugu baaqay inaysan ku qaldamin daadinta dhiigga dadka mulimiinta ah ee Soomaaliyeed, asagoona sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada dagaalameysa inaysan si qalad ah ku daadin dhiigga qof muslim ah oo uu Illaah uu xarrimay.

Add New Comment