Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada


Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo dagaalada ay haatan yihiin kuwo ka yar sidii xalay iyo waabarigii saaka, waxaana aagaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo aan sidaa u buurneyn.

Warar aan la xaqiijin oo ah kuwo isa soo taraya ayaa kuwooda ugu badan waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay qabsadeen goobo ay horay u joogeen Kooxaha Mucaaradka, gaar ahaan Xoogaga Xisbul Islaam.

Saldhigyada Yaaqshiid iyo Wardhiigley ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan Dowladda, kuwaasoo ay ka garab dagaalamayaan Ciidamadii Milateriga Dowladii hore ee lagu soo tababaray Ethiopia, kuwaasoo saaka dagaalka ku soo biiray.

Sidoo kale warar kale oo iyana hada na soo gaaraya ayaa sheeaya in Xoogaga Alshabaab oo dagaaladaas qeyb ka ah iyana ay la wareegeen Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho oo dagaalka xoogiisa ka socday labadii maalmood ee u dambeysay.

Inkastoo aanay haatan dagaal xoogan ka socon magaalada Muqdisho, waxaana xilligan oo saacada Muqdisho tahay 12-ka duhurnimo ay xaalada u muuqataa mid yara xasilooney, laakiin meelaha wali Ciidamada isku hor fadhiyaan ayaa rasaas teel teel laga maqlayaa, waxaase dhici karta in labada dhinac uu wax walba ka dhex bilowday saacado gudahood.

Ilaa iyo hada Labada dhinac ee dirirti u dhaxeysa ayaa guulo aan badneyn kala sheeganaya, iyadoona dagaalku yahay mid kolba meel u guur guuraya, mana jirto cid wali ku kala adkaatay, marka loo eego in labada dhinac ay marba meel isku racdeystaan.

Add New Comment