Dagaalladii Muqdisho oo maalintii 8 aad galay


Waxaa weli sii socda dagaalkii beryahan ka socday waddada wadnaha gaar ahaan isgoyska Siinaay iyo afarta Jardiino, kaasoo daba socda dagaallada muddada siddeedda maalmood ah ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Dagaalkan oo billowday maanta barqanimadii ayaa ah mid aad u culus oo labada dhinac au isu adeegsanayaan hubka yar yar iyo kan culusba, labada dhinac ee uu dagaalku ka dhaxeeyo ayaa u muuqda inay yihiin kuwo aan waxba isula harin, doonayana inuu midba midka kale u xoog sheegto oo uu kala wareego goobaha ay ku kala sugan yihiin.

Waxaa wili ka socda Isgoyska Siinaay iyo Jardiinka ee Magaalada Muqdisho dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka MMIS garbka taageersan DFKM iyo AMISON oo gacan ka hellay ciidanka Milateriga DFKM iyo xoogagga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo is garabsanaya.

Ciidanka Dowladda ayaa la sheegayaa inay ayagu dagaalka maanta soo qaadeen, ayagoona ku dadaalaya inay dib u qabsadaan goobo muhiim ah oo ay soo banneeyeen maalmihii ugu dambeeyey ee ay dagaalladu ka socdeen magaalada Muqdisho.

Add New Comment