Ururka Islaamka oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada Muqdisho


Ururka Islaamka oo ka halay dagaalada ka socday magaalada Muqdisho 5-tii maalmood ee la soo dhaafay, kuna baaqay in si deg deg ah joojiyo dagaalada, dagaalladaas oo uu ururku ku tilmaamay kuwo dhibaato ku ah ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Gudoomiyaha Ururka Islaamka Mr. Ihsan Oglo ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada lagu bartilaameedsanayo masaajidda iyo qubuuraha la bur burinaya taasina aysan suura gal ahayn in ay sii socoto, wuxuuna dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si deg deg ah dagaalka u joojiyaan kana fogaadaan in dalku uu galo dhibaato cusub oo hor leh .

Waxa uu dhinayada is haya ugu baaqay in ay wada hadlaan waxna la qeybsanaadaan Dowlada Midnimada Qaran ee KMG ah lagana midha dhaliyo heshiiskii Jabuuti lagu gaadhay kaas oo ku dhisnaa ayuu yidhi Gudoomiyhu in xalka kaliya ee Dalka nabad loogu soo dabaali karaayi ay tahay in la xagiiyo kala dambeynta iyo xalisoolinada oo la soo celiyo taas oo ku dhisan hab is aaminitaan dhab ah.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in Ururku oo sii abma qaadi doono wixii karaankiisa isku soo dhaweynta dhinacyada Soomaaliyeed iyo kaalmeynta Bulshada Soomaaliyeeba uuna la kaashan doono Beesha Caalamka si ay arintaas wax ugala qabato.

Baaqan ayaa soo baxaya xilli maanta xaalka Muqdisho oo u muuqda mid yara deggan balse deganaantaas ayaan caga badan ku taagneyn maadaama aanay jirin xabad joojin ay kala saxiixdeen labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyay.

Add New Comment