Ciidamada Badda Spain oo gacanta ku dhigay burcad badeed Soomaali ah


Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee waddanka Spain ayaa soo qabtay koox burcad badeed Soomaali ah xilli ay isku dayayeen inay qafaashaan markab ganacsi oo marayey meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada badda Spanish-ka ayaa soo farageliyey arrinta kaddib markii ay markabka ganacsi oo lagu magacaabo Anny Petrakis lagana leeyahay Jasiiradda Malta ay ka heleen qaylodhaan uu ku weydiisanayo in loo soo gurmado  oo burcadda badeedda  laga difaaco, sidaas waxa lagu sheegay warbixin ka soo baxday wasaaradda gaashaandhigga dalka Spain.

Warbixinta wasaaradda gaashaandhiggu waxay intaas ku dartay in intaas kaddib ay ciidamada badda Spain u direen halkii markabka ganacsi lagu weeraray diyaarad helicopter ah taasoo fashilisay isku daygii burcad badeedda ay ku doonayeen inay gudaha u galaan markabka.

Burcad badeeddii Soomaalida ayaa intaas kaddib isku dayey inay baxsadaan, balse is dhiibay kaddib markii lagu riday rasaas digniin ah oo uga timid dhinaca dayaaradda helicopterka ah, waxaana lagu soo qaabtay hub lagu sheegay 2 qori iyo 1 baasuuke.

Markabkan dagaal ee laga leeyahay dalka Spain oo lagu magacaabo  ayaa waxa uu ka mid yahay maraakiib dagaal oo fara badan  oo laga leeyahay Midowga Yurub oo ku sugan xeebaha Soomaaliya si ay uga hortagaan howlaha burcad badeednimada ah ee ka jira Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

The same navy ship, the Marques de la Ensenada, captured the seven in the Indian Ocean Wednesday after the suspects' boat capsized as they tried to board the Panamanian-flagged vessel the Nepheli.

The warship is part in European Union anti-pirate patrols in the region.

Last month the Spanish detained nine suspected Somalian pirates believed to have launched a failed attack on an Italian cruise ship. It handed the nine suspects over to the authori


Add New Comment