Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo cambaareeyey dagaallada Muqdisho


FN.jpgErgayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee muddada 5ta maalmood ah ka socday gudaha magaalada Muqdisho.

 

Ergayga ayaa warmurtiyeed uu ka soo saaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sheegay in Qarama Midoobay ay cambaareyneyso dagaalada iyo dhibaatada ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho, dagaaladaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo lagu bartimaameedsanayo dowladda sharciga ah ee ka jirta waddanka Soomaaliya.

 

Mr. Axmed Walad Cabdalla waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka dhacaya ay keeneen dhimasho baaxad weyn iyo barakac fara badan oo dadka rayidka ah loo geystay taasoo oo ku micneeyay in ay tahay mid aan gabi ahaanteedba la aqbali Karin.

 

“Waa in la dhameeyo dagaalka ka soconaya Magaalada Muqdisho,hadda Muqdisho waxaa ka jira dowlad si caalami ah loo aqoonsan yahay, taasoo ah in la taageero”ayuu yiri Mr. Axmed Walad Cabdalla.

 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdala waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la taageero hanaanka nabadda iyo dowladda Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay dalka, asagoona sheegay in albaabadii nabadda ay weli furan yihiin.

 

Ergayga ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay cambaareynta ay Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD cambaareeyeen weerarka gardarrada ah ee lagu soo qaaday dowladda Soomaaliya.



Add New Comment