Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar oo dhinacyada Muqaawamada ee dagaalamaya ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalada u dhexeeya.


Ururka Xisbul islaam Garabka uu hogaamiyo Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya in ay si deg deg ah dagaalada u joojiyaan xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya xoogaga Mujaahidiinta.

 

Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ah  Gudoomiyaha garab ka mid ah ururka Xisbul islaam oo shabelle la soo xiriiray ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay si deg deg ah xabada u joojiyaan oo ay illaah ka baqaan oo ay u turaan dadka rayidka ah ee ay ku dul dagaalamayaan oo wixii u dhexeeya ay wada hadal ku dhameeyaan oo dad dhex dhexaad ah ay arintooda galaan.

 

Waxaa uu shiikha intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin in ay kala dhex galaan oo aysan banaaneyn in dhiiga qof muslim ah si micno dari ah lagu daadiyo.


Add New Comment